Warar hordhac ah oo naga soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa sheegaya in maxabiis katirsan ururka Al Shabaab oo shalay Fahad Yasin kasii dayay xabsiga lagu magacabo Serendi ee ku yaalo magalaada Muqdisho ayaa maanta loo qeybiyay 10 kamid ah Beebeyaashi laga keenay dalka Qatar.
Waxaana ciidamadan hoogaminayo Sarkaal la yirahdo Iidow Mahamud Axmed oo ah taliyaha Ciidamada Duufaan ee NISA sida ay Halgan Media u sheegen ilo wareedyo lagu kalsoonan karo.
Hoos ka firi sawirada Taliye Iidow Mahamud Axmed. Waa ninka xiran tuutada blue-ga.
Ciidamadan oo hogaminayo taliye Iidow Mahamud Axmed oo ah taliyaha qaybta Duufaan ayaa sido kalana loo gacan geliyay hub casri ah, waxaana la filaya in ay ciidamadan dhawaan la wareegi doonan xeryaha NISA oo hore masuuliyadeeda ay lahaayen ciidamada Waran oo tobabaradoda uu siiyo Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano CIA-da oo hoos tago hayada Nabad Sugida (NISA).
Dhinaca kale, jimcada nagu soo fooda Leh markey tariikhdu noqoto 16ka bisha Abril waxa magalada Muqdisho kuso wajahan dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar ugu maqnaa dalka Eritrea oo loo tobarayay dowlada Soomaaliya sida ay sheegen ilo wareedyo aad lagu kalsoonan karo.
Dalkeena Soomaaliya, weliba caasimada Muqdisho waxa ku wajahan khatar hor leh iyo dagaal joogta ah, waxana malin malin ka dambeyso xalka uu noqonayaa mid kasii dareyso labada Shabaab ee wada shaqeeynayo oo hormuud u yahay Fahad Yasin Xaji Dahir.
Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.