Nin watay Jakaat ku xiran walxaha qarxa ayaa sakay isku dayey in uu isku qarxiyo saldhig boolis oo ku yaalo degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, balse niinka waa laga shakiyay, iyo markii oo niinka ogadaay in laga shakiyay ayuu Jakaata ku xiran Qaraxa ku tuura meesha laga soo galo saldhiga booliska, waxana islamarkii meesha ka dhacay jug aad u culus waxana ku dhawaacmay hal askari oo la sheegay in uu ahaa Taliyaha saldghiga degmada Xamarweyne

Kadibna Maxa dhacay ? Dowlada ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen ninka watay jakaat ay ku xirnayen walxaha qarxa Lakiin goor dhow oo aan khadka kala hadlay askari kamid ah kuwa ku sugan saldhiga booliska ay ku leyihiin Xamarweyne, wuxuu Halgan Media u sheegay in Ninka gacanta lagu dhigay aysan sarakisha hubin in uu isago yahay ninka la radinayo.

Sida oo ii sheegay askariga ka shaqeeyo saldhiga booliska ee Xamarweyne, ninka hada la hayo, kaliya waxa loga shagisan yahay in uu yahay ruuxa isku deyay weerarka ismidaaminka Lakiin lama hubo, waxayna u badan tahay in nafti haligihii ka tirsanaa Al Shabaab goobta uu ka baxsaday

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.