Sida la ogyahay go’aanka uu qaaday ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ku aadan in dalka xukun deg deg ah lagu soo rogo, waxay dhalisay doodo adag oo u dhexeeyo qeyba kamid ah bulshada.

Hase yeeshee hadda waxaa soo if baxay inay qaar kamid ah mucaaradka taageersan yihiin go’aanka fudud oo uu qaaday Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Berhanu Nega oo ahaan jiray guddoomiyaha Jabhada Ginbot 7, hadana uu yahay guddoomiyaha Ururka Isbahaysiga ay leeyihiin Amxaarada oo loo yaqaano EZEMA ayaa si cad u taageeray go’aanka kasoo baxay Abiy Ahmed.

Xili uu la hadlayay idaacadda Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) Berhanu Nega ayaa sheegay “Inuu taageersanyahay in doorashada dib loo dhigo, si dadka looga badbaadiyo cudurka halista leh oo ah Coronavirus, wuxuuna kusii daray muhiimada waxay tahay in la ilaaliyo bulshada inta laga fikiri lahaay doorasho.

Sidoo kale Yeshewas Assefa oo ah masuul sare oo katirsan Xisbiga Amxaarada ee EZEMA ayaa sheegay “ Go’aanka laga raabay in dalka lagu soo rogo xukun deg deg ah waa mid loo baah naay in mar hore lagu dhawaaqo” sida u hadalka u dhigay xili uu la hadlayay warbaahinta.

Hase yeeshee hada waxaa soo cadaatay xidhiidhka dhow oo u dhaxeeyo xisbiyada xagjirka ah ee Amxaarada Iyo xukuumada Abiy Ahmed, maadaama ay xisbiyada Xabashida yihiin kuwa kaliye ee taageeray in doorashada dib loo dhigo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.