Wararka naga soo gaaraya gudaha Ogadeniya gar ahan gobolka Erer ayaa sheegaya in xiisad xoogan kataagan tahay qeybo kamid ah ee gobolkaasi.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaa xiisad xoog leh ka jirtaa tuuloyinka kala ah Gabicas iyo Afwayne oo hoos imaado degmada Salaxaad.

Laba beelood oo walaalo ah ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan, madaama ay isku heystaan dhul, waxaana la sheegay inay ciidanka Liyuu Booliska dhex fadhiyaan labada dhinac.

Haase yeeshee, waxaa la sheegay in ciidanka Liyuu Booliska oo dhex fadhiyay labada dhinac dib uga laabteen degmada Salaxaad, waxaana laga cabsi qabaa inuu goobta dagaal ka qarxo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.