Waxaa la helay warqad sir ah oo uu qoray xubin uu adeer u yahay madaxwayne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdilaahi Kulane kaas oo faraya taliyihii hore ee amniga caasimadda Ibraahim Baadiyoow.

Kulane ayaa faray Baadiyoow inuu kasoo talo bixiyo sida lagu wiiqi karo mucaaradka iyo odoyaasha dhaqanka ee gobolka Banaandir.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Halgan Media, kadib markii uu aqbali waayay qorshahaan iyo dil qorshaysan oo lala damacsanaa madaxwayne Sheikh Shariif ayaa xilka laga qaaday Baadiyoow.

Hada oo loo dhiibay taliyaha amniga caasimada, shaqsi u ahaa darawalka gaari ee suuqa adeega looga doono guriga agaasime Fahad Yasin ayaa la filayaa in qorshooyinkaas oo idil la fuliyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kala soco Halgan Media.