Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in taliye ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA, Cabdullahi Kulane balse loogu yeero Jiis Mareexaan ayaa soo gaaray magaalada Garbaharay ee xaruunta gobolkasi sida ay Halgan Media u xaqijiyen ilo wareedyo aad lagu kalsoonan karo.

Sida aan xogta ku helnay, Cabdullahi Kulane ayaa kasoo duulay degmada Luuq oo isla Gobolka Gedo ka tirsan, isagoo oo ay la socdan xubna muhiim ah oo katirsan maamulka Gobolka Gedo sida Bakaal Kooke oo ah taliyaha ciidamada Xasilinta ee Gobolka Gedo, waxayna diyaaradii siday maanta kasoo degtay garoonka Magaalada Garbaharay saacad markii ay ahayd 16:45 galabnimo sida ay xaqijiyen ilo xog ogaal ah.

Labo cisha ka hor ayuu Agaasimaha ku xigeenka NISA, Cabdullahi Kulane soo garay degmada Luuq, isagoo oo qorasheeynayo in uu usii ambabaxo magaalada Garbaharay sida aan bogga Halgan Media ku dabacbay markii ay tariikhdu ahayda 4ta biisha July (Halka Riix sida u akhrisid warbixinta)

Wali lama ogo ujeedada u Agaasimaha ku xigeenka NISA, Cabdullahi Kulane ka leyahay safaarka u ku tagay Magaalada Garbaharay lakiin madaama aan ku jirno xili kala guurka ah waxa laga yaaba in Loo soo diray Gobolka Gedo sida u fuliyo danaha guracan uu Farmaajo ka leyahay Gobolka taasi oo ah in qalalaso laga abuuro Gobolka ama in bulshada walaalaha in la isku diro, lana kala sii fogeeyo.

Halgan Media