Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo diiday inaan magacodda shaacino sababa amni awgeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in wafdi ka socdo hay’ada sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaano CIA ayaa gaaray wadanka Jabuuti bisha aan hada ku jirno tariikhdu ahayd 8-da August.

Xubna katirsan CIA-da Mareykanka oo gaarayo ila 25 xubnoood ayaa xili habeen kasoo degay garoon oo ay ciidamada Mareykanka ay ku leeyihin, kuna yaala xerada ciidamada Mareykanka ee dalka Jabuuti ee loo yaqaano “Camp Lenoir”, waxayna isla habeenkas ku hoydeen xerada gudaheeda sida aan xogta ku helnay.

Afar maalin kadib markii tariikhdu ahayd 12ka biisha August waxay kulan albaabada u xiran dhex maray Madaxweynha wadanka Jabuuti, Ismaacil Cumar Gelle iyo mid kamid sarakiisha Mareykanka oo katirsan hayada sirdoonka ee CIA-da, wuxuuna kulanka ka dhacay guriga Qasriga u ah Ismacil Cumar Gelle ee ku leyahay degaanka Haramous, wuxuuna kulunka socday hal sac iyo bar, sida aan kaso xiganay ilo amni.

Kulanka kadib, waxa la xaqijiyay Sarkaalka katirsan CIA-da Mareykanka ayaa dib ugu labatay xerada la yirdha “Camp Lenoir”, waxayna ilo wareedyada Halgan Media u xaqijiyeen in kulanka dhex maray sarkaalka kasocday CIA-da iyo madaxweyne Ismacil Cumar Gelle u yahay mid hordhac u ah kulamo kale oo la qorsheynayo in uu dhex maro saraakisha hay’adaha amaanka ee wadanaka Jabuuti iyo sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano CIA inta u dhaxeeyo 18-ka ila 20-ka biisha August.

Saraakisha katirsan hayaddaha amaanka ee wadanka Jabuuti ayaa ka qayba gali doono kulamada u dhaxeeyo iyaga iyo CIA-da Mareykanka waxaana la qorshaynayay in kulamadaasi ay dhacaan inta u dhaxeeyo 18-ka ila 20-ka biisha August, hoos ayaad ka akhri karta magacyadooda.

  • Jeneral Zakariya Sheekh Ibrahim
  • Korneyl Maxamed Jamac Dualeh
  • Korneyl Xasan Sacid Kheyre
  • Korneyl Wais Cumar Bogereh
  • Korneyl Cabdillahi Cabdi Faarax

WIxi soo kordha kala soco Halgan Media.