Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in wil yar oo 10 sano jiro lagu kufsaday Degmada Wajid, sida ay sheegen ilo lagu kalsoon yahay degankana kusugan.

Sida aan xogta ku helnay, wilka ayaa la sheegay inuu la socday Ari uu watay, waxaana rag hubeysan oo wata dharka ciidamada dowlada ku qabteen xili u ku socday jidka isku xidho Garoonka iyo Degmada Wajid.

Kooxda mujrinka oo falka Qoomaluudka kula kacay wilka yarka ah ayaa la rumeysan yahay in ay katirsan yihiin ciidamada Dowlada madaama ay xirnayeen dharka ay leyihiin xogga dalka.

Halgan Media ayaa ogatay in wilka la kufsaday uu kasoo jeedo magalaada Xudur, waxaana Abti u ahaa Adan Mahad Nuurow. Muddada u dambeysay waxaa qayba kamid dalka kuso batay kufsiga loo geysto haweenka Iyo ciyaalka yaryar.

Balse falalka qomuulada oo lagula kacay wilka yar oo joogo degmada Wajid ayaa ah mid ay bulshada Soomaaliyeed ay aad uga caroodeen Iyaga oo walac ka mujiyeen madaama uu dhaqaanka qomuulada yahay mid aan weligeed lagu arkin geyiga Soomaaliyeed.

Halgan Media.