Wararka naga soo gaaraya gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in xiisad xoogan ka taagan tahay degaanka Higloleey kadib markii Masajid albaabada loo xiray.

Ilo deegaanka ah ayaa shabakada Halgan Media u xaqijiay in masaajid ku yaallo deegaanka Higlooleey albaabada loo xiray kadibna lagu wareejiyay kooxda Al- itixaad oo ah urur Xagjir ah kana dagaalami jiray gudaha Somali Galbeed 10 sano ka hor.

Sida aan xogta ku helnay masajidka ku yallo deegaanka Higlooleey waxaa maamuuli jiray Suufiyada lakiin albaabada ayaa masajidka loo xiray, islamarkii loo wareejiyay kooxda Al itixaad. Arintaan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhaxeeso labada dhinac sidii ay sheegeen dadka deegaanka oo la xariiri Halgan Media.

Kadib markii isbedal ka dhacay Itoobiya, waxaa gudaha Somali Galbeed bilaabatay inay kuso qul qulaan kooxaha xaqjirka ah oo adeegsanayo magaca Al- itixaad oo ah jabhada burbuurtay markii guddomiyahooda Sheekh Ibrahim Dheere isku dhibaay Itoobiya 2010-kii.

Weli lama oga ujeedada rasmiga ah ee leeyihiin kooxda xaqjirka oo bilaabay inay kuso bataan deegaanka Somali Galbeed lakiin dad badan aan la xidhiidhnay ayaa shaki badan ka qabo kooxdan.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa shabakada Halgan Media u sheegay inay maamuulka Jigjiga arintaan wax badan ka ogyihiin Lakiin ka gaabsanayaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.