Dowlada Itoobiya iyo saraakisheeda, fargelin ayey mar kasta ku hayeen Soomaaliya, taas oo sii xogayatay kadib burbuurkii ku habsaday ummada Soomaaliyeed 1991-dii balse waqtigan xadirka ah ee aan ku jirno waxay faragelinta iyo cagu jugleynta ay wakiilada xukuumada Xabashida u qabilsan Soomaaliya ay geeysten uu gaaray heer aysan waligeed gaarin, taas oo sababay dhimasho, dhawaac iyo qafalasho loo geeysto muwaadaniinta Soomaaliyeed.
Abdifatah Sheikh Abdullahi oo ah safiirka Itoobiya u fadhiyo Somalia ayaa la xaqijiyay in uu yahay xaylada ugu awood badan ay adeegsadan Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yasin Xaji Dahir sida aan kaso xiganay ilo wareedyo lagu kalsoonan karo.
Sawir : Abdifatah Sheikh Abdullahi
Sida aan xogta ku helnay, Danjire Abdifatah Sheikh Abdullahi ayaa lacag gaaraysa Malayin dollar mar kasta ka helo Villa Somalia madaama u ilaalinayo danaha Farmaajo iyo Fahad, isagoo oo weliba xidhan shaatiga dowlada Itoobiya, taasna ay u sahashay In uu si sahlan u fargeliyo iyo si dad badan u maamulo doorashada gollaha shacabka oo ka socdo magaaloyinka dalka oo ay ku sugun yihiin ciidamada Itoobiya, siiba magaalada Baydhabo oo ah caasimada ku meel garka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale, waxay warbaahinta Halgan Media xaqijiysay In uu Fahad Yasin u Danjire Abdifatah Sheikh Abdullahi u kirayay, una qaaday guryo ku yaala magaalada Nairobi, kadibna u lacag aad u farabadan oo gaarayso malaayiin uu si qaas ah u marsiyay Salaam Bank, looguna talagalay Danjire Abdifatah Sheikh Abdullahi oo ah safirka Itoobiya u fadhiyo Somalia.
Xiriirka mad-madowga ee u dhaxeeyo Danjire Abdifatah Sheikh Abdullahi iyo kooxda Villa Somalia, keli kuma eka arimaha siyaasada balse u Danjiraha kalin weyn ku leeyahay hubka sharci darrada wadanka Somalia laga soo geliyo dhinaca Itoobiya, kuwaa oo laga ganacsado.
Halgan Media