Tariikhdu markii ay ku beegneeyd 17-ka biisha April ciidama ka tirsan Danab oo Mareykanka uu tababaray ayaa xiray Allahu naxaristo Sheekh Cali Axmed Faarax xili u ku Raad joogay wilkis Cabdirahman oo ay horey u xiran ciidamada dambi barista ee CID, waxaana Sheekh Cali Axmed Faarax lagu xiray xaruunta ciidamada Danab ay ku leyihiin magaalada Gaalkacyo, isagoo dhowr maalmo u xirnaa.

Sida aan kasoo xiganay wariye Siciid Xogolof, saraakisha ciidamada Danab ayaa Sheekh Cali Axmed Faarax u sheegay in uu iyagoo uusan xirneen Lakiin u uu xiran yahay gudiga amniga ee gobolka Mudug, mana cadaaynin sababta uu xiran yahay. Kadib waxa la wareegay Sheekh Cali Axmed Faarax ciidamada CID, iyagoo u ka xayeystay Xaruuntoda ay ku leyihiin magaalada Gaalkacyo.

Sida aan wararka ku helnay markii la geeyey Xaruunta CID, Sheikha waxa la weydiyay su’aalo, weliba kuwa aad u badan kuna sabsan halka uu ku hela lacagta uu ku caawiyo Caruurta agoonta iyo su’aala kale oo ku saabsan xasaaskiisa oo aan munaasab aheyn kana baxsan sharciga.

Mudadii uu ku xirnaa Xaruunta CID ee magaalada Gaalkacyo, wuxuu Sheekh Cali Axmed Faarax la kulmay hanjabaad kaga timiid saraakisha ku suugna gobta sida uu Halgan Media la wadaagay wariye Siciid Xogolof, haasa yeeshe muda kadib ayuu xoriyadis dib u helay Sheekh Cali Axmed Faarax.

Kadib markii la si daayay, wuxuu Sheekh Cali Axmed Faarax la kulmay maamulka Gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna u sheegay in uu ku sugun yahay xaalad cabsi oo wel wel ah, iyo in uu naftis halis ku jirto iyo in hanti badan ka maqan Tahay sida Telefonka oo qasnada u ah aqoonta lagu koriyo.

11ka biishan aan ku jirnay ee May waxa meydka Sheekh Cali Axmed Faarax laga helay degaan la magacabo Xeero-Jaale oo u dhow degmada Galdogob. Inta aan la dilin ka hor Marxuumka waxa laga soo wacay xaruunta cilmi baarista, kadibna ciidamo ka socdo cilmi baarista ayaa la sheegay in ay afduubeen xili habeen, markas saacado kadib meydkiis laga helay degaanka Xeero-Jaale oo dhinaca Galbeedka ka xigo magaalada Gaalkacyo, una dhow degmada Galdogob.

MUXUU SAALKA KU HAYA DILKA SHEEKHA ?

Mudooyinkii ugu dambeyay waxa gobolka Mudug kasoo cusbonaday in ay is garsadan Sufiyada iyo Salafida, iyadoo ay qar kamid isticmaalayan shar dowladeed, taasna ay keentay in ciidamada dambi baarista ee CID loo adeegsado dilka Allahu Naxaristo Sheekh Cali Axmed Faarax, waxaana la sheegay xiliga uu sheekha gacanta ugu jiray CID-da in la weydiynay su’aalo ku sabsan fikirkisa iyo mabda’iisa ku aadan Salafiga iyo xitaa in Hardooyin loo shiidayay.

Dilka Allahu Naxaristo Sheekh Cali waxa la tuhunsan yahay in ay fuliyeen sedax ruux oo dhamaan ka wada tirsan CID-da qaybta Gaalkacyo oo hoos taago booliska federalka. Dadka waxaana raga lagu tumaya dilka ay kala yihiin Rooble Saruurow oo ah taliyaha ciidanka CID ee magaalada Gaalkacyo ahna shaqsiga amray in la soo xiro sheekha.

Waxa oo kaloo kiiskan la rumeeysanyahay in ay sidoo kale lug ku leyihiin labo Askari katirsan CID-da, sida Maxamed Cali oo ah askari katirsan CID-da, wuxuuna ahaa niinka su’aalaha weydiynayay Sheekh Cali Axmed Faarax xiliga u ku xirnay xaruunta cilmi baarista, sido kale waxa jiro askari kale oo lagu magacaabo Cabdixakin Cabdisalaan Hindhiso oo isla katirsan CID-da Gaalkacyo, lana sheegay in uu yahay gacan ku dhiglaha togtay Allahu Naxaristo Sheekh Cali Axmed Faarax, kadib markii la afduubay isagoo oo wehilinayo labo qof oo kale si ay fuliyen qabashada sheekha iyo dilkisa.

Abaarihii 1:00 habenimo waqtiga Soomaaliya waxa la xaqijiyay in Telefonka Sheekh Cali laga xawilay lacag gaarayso 120 dollar.

Hadaba Warbixintan Hoos waxa ka arki kartaa karta sawirada aan ka heyno Rooble Saruur oo ah niinka amray xariga Sheekh Cali Iyo Cabdixakin Cabdisalaan oo fuliyay dilka.

Roble Saruurow

Cabdixakin Cabdisalaan (Hindhiso)

Sido kale waxa hoos ka daawo karta wareysi ay Halgan Media la yeelatay Wariye Siciid Xogolof oo ka hadlay xaqiiqda ku sabsan dilka loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax iyo ciida ka dambeysay.

Ugu dambeyn akhrisitiyal usoo duceeya Sheekh Cali Axmed Faarax in Illaahay ka waraabiyo Janatul Fardowsa iyo inuu illaahay ciqaabo Kuwii dilay iyo Kuwii soo Abaabulay.

Halgan Media

Email : info@halganmedia.net