Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Gantaal maanta ku weerareen magalaada Khamis Mushayt ku yallo koonfurta dalka Sacuudiga.

Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta, Yaxya Sarea oo la hadlay Tv-ga ayaa sheegay inuu Gantaalkooda ku habsaday Eraport ku yallo magalaada.

Waxa uu tilmaamay inay duqeyntaasi jawaab-celin u ahayd Weerar ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geysteen gudaha dalka Yemen.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin sheegashadda Xuutiyiinta, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inay maanta duqeyn ka dhacday gudaha dalkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.