Maxkamad ku taala magaalada London ee dalka  Ingiriiska ayaa arbacadii shalay ku riday xabsi 50 toddobaad ah aasaasihii shabakadda Wikileak Julian Assange, kadib markii lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta (dammaanad jebin) inuu aanu maxkamadda iska soo xaadirin sidii loogu ballansanaa sannadkii 2012, xilligaasina oo uu galay oo magangelyo ka dalbaday safaaradda dalka EL Salvador ku leeyahay London.

Muddo saddex toddobaad laga joogo oo ciidanka ammaanka dalka boqortooyada Ingiriisku ka soo qabteen Julian Assange safaaradda oo uu muddo toddoba sano ah ku sugnaa ayaa lagu eedeeyey inuu jebiyay xeerkii damaanadda, iyadoona arbacadii lagu dhawaaqawy go’aankii maxkamadda muddo sannad ku dhowaad, 50 toddobaad.

Qaadimkii maxkamadda ayaa sheegay inay ula muuqato mid adag in la helo jebin xeerka damaanadda ee la mid ah midda Assange lagu soo eedeeyey, maadaama uu falkaasi saameeyn ballaaran ku yeeshay baaristii dacwaddii kufsiga ee dalka Sweden lagaga soo eedeeyey Assange, dacwaddaasina oo hoos loo dhigay sannadkii 2017, hase yeeshee dib loo furi karo.

Dowlada Mareykaanka ayaa ka codsatay dalka boqortooyada Ingiriiska in Assange gacanta loo soo geliyo. Codsigaasina oo khamiista maanta 2-da bisha maajo lagu soo qaadi doono maxkamad ku taala magaalada London, hase yeeshee go’aankeedu qaadan doono in muddo ah. Dawladda Ekvadoor ayaa ka heshay ballanqaad dawladda boqortooyada Ingiriiska inaan Julian Assange loo sii gudbin doonin waddan uu halis ugu jiro in dil lagu xukumo.

Ilaa hadda ayuu xeer ilaaliye mareeykan ihi ku eedeeyay Assange tuhun fal dembiyeed ciqaabtiisu noqon karto ugu badnaan shan sannadood oo xabsi ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.