Xildhibaanada Isbaheysiga xisbiyada Shiicada ah ee dalka Ciraaq ayaa sheegay inay doonayaan in Maraykanka uu dalkaasi kala baxo ciidamada ka jooga kadib weerarkii Israel ku qaaday waqooyiga Ciraaq Axadii lasoo dhaafay.
Weerarkii Axadii oo ay Israel u adeegsatay diyaaradaha Drone-ka ayaa lagu dilay mid kamid ah Saraakiisha hogaamisa Maleeshiyaadka Shiicada ah ee taageerada ka helaya dowlada Iran.
Israel ayaa sidoo kale weerar ku qaaday magaalada Beyruut ee caasimada Lubnaan goobaha saldhiga u ah kooxda Xisbullah walow weerarkaasi uu fashilay, kadib markii ay soo dhaceen diyaaradihii drone-ka ahaa, falkan ayey dowlada Lubnaan ku tilmaamtay duulaan lagu soo qaaday wadankooda.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.