Booliska magaaladda Stockholm ee caasimada dalka Sweden ayaa kordhiyay ilaalada misaajidada magaaladda Stockholm ka dib markii maalintii Sabtida weerar rasaas ah lagu qaaday misaajid ku yaalla dalka Norway.

Olof Ahlund, oo ah taliye boolis oo ka tirsan bileyska Stockholm oo la hadlay Warbahiinta ayaa sheegay in dadka tegaya misaajidada ay u baahan yihiin in ay dareemaan nabad gelyo iyo ammaan.

Tahir Akan, oo ah guddoomiyaha ururka Muslimiinta ee Sweden ayaa sheegay in isaga iyo muslimiinta kale ay wel wel ku abuurtay dhacada misaajidka lagu weerary ee dalka Norway.

Wiil 21 jir ah ayaa geystay weerarka misaajidka Norway. Wararka la helayo ayaa sheegaya in wiilka imminka lagu tuhmayo in weerarka uu geystay uu yahay dil iyo aragagixisanimo.

Weerarka misaajidka ayaa waxaa ku dhaawacmay nin jameecadda misaajidka ka tirsan oo ka hortegay wiilka labaatan jirka ah ee soo weeraray misaajidka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.