Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa 6 ruux ku jiireen magalaada Qabridahare ee xaruunta gobolka Qorahay, sida uu soo sheegayo Wariyaha Halgan Media ee Gobalkaasi.

Lixda ruux  ay jiireen ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay wateen Bajaaj ayaga dhex marayay Bartamaaha magalaada Qabridahare.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in marka ay Ciidamada Itoobiya ay jiireen Dadka Shacabka ah ay goobta ka tageen, islamarkaana halkaasi dadka deegaanka ay  ka qaadeen dadka ay dileen Ciidamada itoobiya.

Masuuliyiinta magalaada Qabridahare weli kama hadlin falkan ay geyteen Ciidamada cadowga Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.