Wararka nagasoo garaay gudaha Soomaaliya gar ahaan gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ee gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayey, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Buuraha oo ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano (PSf) ee maamulkaasi.
Ciidamada ayaa warbaahinta ugu soo bandhigay qaraxyadan iyo raggii waday gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa shaaciyey in qaraxyadaasi la doonayey in laga fuliyo gudaha Boosaaso, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.