Tobannaan ruux ayaa ku geeriyootay laba weerar oo hor leh oo ka dhacay bartamaha dalka Maali kaddib markii ay halkaasi maamlmihii lasoo dhaafay ay kusoo xoogeysanayeen rabshado u dhexeeya qowmiyadaha oo salka ku haya aanooyin qabiil.
Duq magaalada Yoro, Issiaka Ganama oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay mootooyinka labada lug leh ay shalay galab weerareyn deegaanada Yoro iyo Gangafani2 iyaga oo halkaasi ku dilay dad gaaraya 41 qof oo rayid ah.
Dadka la laayay ayaa ka soo kala jeeda qowmiyadda Dagons oo laga dilay 24 qof halka 17-ka kalena ay ka soo jeedaan Gangafani 2.
Todobaad ka hor ayay ahayd markii koox si aad ah u hubaysan ay xasuuqeen 95 qof oo u dhalatay qowmiyadda lagu magacaabo Dogon.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in intii u dhexeysay Jeneweri 2018 iyo May 2019 dalkaas Maali lagu dilay in kabadan 400 oo qof oo rayid ah kuwaasoo kasoo jeedda qabiilka Fulaani.
illaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarrada ka dhacaya Maali sidoo kalena ma jirto cid loosoo qabtay.
Madaxweynaha Maali Boubacar Keita ayaa wacad ku maray in hubka laga dhigi doono mileeshiyaadka qalalaasaha iyo dilalka ka geysta dalka Maali.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.