Wararka ka imaanaya gudaha Itoobiya ayaa ku sheegaya in dagaallo xooggan ay ka dhacayaan qeybo kamid ah gobollada ay degaan Amxaarada Iyo Benshangul kuwaas oo u dhexeeya labada Qomiyad.

Dagaallo dhacay maalmahi u dambayaay ayaa dhaliyay dhimashada tobanaan ruux oo kamid ah dhinacda qowmiyadaha ku dagaallamaya Itoobiya , dagalkaas oo xoogiisa ka socda gobolka Benshangul.

Masuul katirsan maamulka gobolka Binishanquul ayaa shaaca ka qaaday iney socdaan baaritaanno lagu raadinayo meydadka iyo dhaawacda dad lagu xasuuqey deegaanno hoosyimaada magaalada madaxda gobolka.

Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu shaaca ka qaaday masuulakn in waxyeellada dhimashada iyo dhaawaca ay gaareyso ugu yaraan 80 ruux, ayna jiraan dad farakutiris ah oo badbaaday kadib markii ay isku soo xireen iskuul maxalli ah.

Kooxaha weerarka soo qaaday oo katirsan qowmiyadda Amxaarada ayaa sidoo kale dab ku daaray guryo ay degnaayeen dad shacab ah, taas oo aan la ogeyn kahsaaraha ka dhashey.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa kusii xoogeysanaya weerarada iyo dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha kala duwaan, kuwaas oo ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.