Diyaarad nooca qumaatiga u kaca, ee loo yaqaannohelikobtarka ah ayaa ku burburtay bariga dalka Sudaan, iyadoo halkaas ay kudhinteen barasaab gobol iyo ugu yaraan afar sarkaal oo kale.

Helikobtarta ayaa qaraxday ka dib markii ay ku dhacday mid ka mid ah biraha dhaadheer ee isgaarsiinta, xilli ay isku dayeysay iney ku dagto gobolka Al-Qadarif, sida ay dad goob joogeyaal ah ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhowr qof ayaa loo qaaday isbitaallada, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda oo aan faahfaahin dheeraad ahna bixinin.

Wararka ayaa intaas ku daray in dadka dhintay ay ka mid yihiin barasaabkii gobolka Al-Qadarif oo lagu magacaabi jiray Mirghani Saleh, madixiisii golaha wasiirrada, taliyaha booliska gobolka iyo wasiirkii beeraha ee maamul goboleedkaasi.

Qalabka ciidamada milatariga eedalka Sudaan ayaa waxaa ka mid ah diyaarado qumaati u kaca oo ay horay uga sooiibsadeen maamulkii hore ee midowgii soofiyeed.

Siddeed ruux ayaa ku dhaawacantay labo diyaaradood oo isku dhacday bishii Oktoobar, xilli ay ku cararayeen garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Khartuum.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.