Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay codsiga dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ahaa in dib loo dhigo dhageysiga garnaqsiga soohdinta badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa si xooggan u diidan dalabkaan, waxeyna ku eedeysay Kenya in ujeedkeedu yahay in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaaladda adduunka ee ICJ ee xanunteeda tahay magaalada Hague ee dalka Netherland.

Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirto in arrinkaan lagu xalligo meel ka baxsan maxkamadda. Waxey dooneysaa in ay murankaan xalliyaan African Union, IGAD ama dalal. Kenya ayaa si toos ah u sheegtay in ay jeclaan laheyd in arrinkaan lagu dhameeyo is afgarad iyo diblumaasiyad.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa markasto si cad u sheegto in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, ICJ ay tahay meesha ugu habboon in dacwadaan lagu qaado.

Gal dacwadeedkaan ayey tahay in laqaado 8-da Juun, 2020. Lama saadaalin karo waxey noqon doonto jawaabta ay maxkamadda ka bixin doonto codsiga Kenya ay u gudbisay.

Sidaan oo kale ayey Kenya horey seddex jeer uga dalbatay maxkamadda in ay dib u dhigto dhegeysiga dacwadda taas oo ay Soomaaliya diidaneen, balse ay maxkamadda aqbashay dalabkii Kenya.