Kuuriyadda Waqooyi ayaa Tijaabisay labo Gantaal oo Balaastig ah saacadihii hore ee Saaka, sida uu sheegay Military-ga Kuuriyadda Koofureed, Gantaaladaasna waxaa ay ku dhaceen Badda.

Tijaabaddaan yaa ah middii todobaaad ee ee Kuuriyadda Woqooyo ay sameyso tan iyo markii ay is arkeen Kim iyo Trump.

Xukuumadda Pyongyang ayaa si is xig-xigtay waxaa ay u muujisay caradeeda ku aadan dhoolotuskii military ee ay sameeyeen Mareykanka iyo Kuuriyadda Koofureed.

Sabtiga maanta ah ayaa Kuuriyadda koofureed waxaa ay sheegtay in Tijaabadda Kuuriyadda Woqooyi ay sameysay dhoolotuskii kadib ay abuureeyso colaad.

Gantaaladaan waxaa laga riday meel aan sidaas uga fogeyn meeshii laga sameeyay Taijaabooyinkii hore, waa magaaladda Bariga ku taala ee Sondok.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.