Taliska Mareykanka ee Qaradda Africa ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uu dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ku dilay duqayn ka dhacday gaobolka Juabadda Hoose kadib markii ay weerareen gaaf-wareeg ay samaynayeen ciidanka Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya.

War saxaafadeed uu talisku faafiyay ayuu ku sheegay in aysan duqayntooda ku dhiman dad shacab ah, sida ay muujinayso qiimeynta uu talisku sameeyay.

“inagoo kaashanayna Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa waxa uu duqeeyay Al-shabaab kadib markii ay w eerareen gaaf-wareeg ay ciidanka Soomaaliya ka samaynayeen woqooyi-galbeed magaaladda Kismayo, 17kii September” ayaa ku qoran Warka uu Taliska AFRICOM.

Maraykanka ayaa kordhiyay duqaymaha uu ka geysanayo Soomaaliya uu la beegsanayo Al-shabaab iyo Daacish.

Sadaxdii sano ee u dambeysayna waxa isoo tarayay yiradha weeradda cirka ee Mareykanku uu Soomaaliya ka geysto.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.