Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga Masar ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka maalgashi ee u dhexeeya Labada Dal.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar, ayaa dhanka Soomaaliya waxa u saxeeyay wasiirka ganacsiga, Dr; C/llaahi Cali, halka Masarna uu u saxeexday wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, Haweeneyda lagu Magacaabo, Saxar Nasar.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay sidii loo samayn lahaa mashaariic wada jira oo ka dhaxeeysa labada Dal sida Dawooyinka qalabka dhismaha, wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha.

Wasiirka maalgashiga Dalka Masar ayaa sheegtay in Labada Waddan ay sameynayaan iskaashi dhaqaale, lana magacaabayo guddi dhaqaale oo isku dhaf ah, kana kooban wasiirro iyo ganacsato, si kor loogu qaado maalgashiga iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Labadan Waddan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.