Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay santarka Lascanood ee gobolka Qorahay.
Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday mamuulka degmada Shilaabo iyo kan Qorahay.
Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxaasi ayaa Halgan Media u sheegay in u jeedada ugu weyn ay tahay in aysan ku qanacsaneen Mamuulka.
Xaaladda Lascanood ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira kulamo siyaasadeed oo si gooni gooni ah uga socda gudaha magaaladaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.