Madaxwaynaha sudan general Abdifatah Burhan ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad laa socda ay qabsadeen dhul wayn oo ka mid ah dhulka suudan oo u dhaxeeya xuduuda labada wadan.

Waraysi uu bixiyay madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Sudan lagana sii dayay telefeshinka dawlada Sudan general Burhan waxa u halka ku sheegay mushukilad waligeed soo tagnayd xola dhaqatadiina laga qaaday xoolahoodii.

Beeralaydiina laga qaatay beerahoodii ciidamada sudan naa aysan hor oolin hada inay dadka difaacan mooyane sababto ah buu yidhi itoobiyanka ayaa qabsaday.

Madaxwaye Burhan waxaa uu sheegay in gobolka oo lagu magacabo Qadaarib ku yaal xuduudka labada dal, deegaanka Gambella iyo Sudan ay qabsadeen ciidamada itoobiya gacantana ugu jiro hatan.

Madaxwaynaha Sudan wuxuu cadeeyay in askari sudani ah lagu dilay laba kalana lagu dhawacay halka madaxwaynaha Sudan Abdifatah Burhan oo ay wahelinayaan sarakiil ciidanka Sudan ah ayaa sabtidii ku tagay kor meer halka.

Asago ciidamada xuduuda ku sugan madaxwaynuhu ku wargaliyay inay si dhamaystiran u difaacaan muwadiniinta halka ku sugan ayaga iyo xoolahoodaba, Kana difaacaan wax kasta oo isku daya inu sharci daro ku soo galo dhulwaynaha Sudan si adag naa ugu diyaar garoobaan isku dhac kasta oo ku yimaada.

Inta kadib waxaa casimada Khartuun soo gaadhay wafti sarakiil sar sare ah oo itoobiyaan ah oo u horkacayo taliyaha hogaanka ciidanka itoobiya general aadan maxamed kulamana laa qaatay madaxwayne Abdufatah iyo raysal wasaare Abdala Xamid.

Labada dhinac oo ka wada hadlay waxyaalo badan ayaa kulan koodii noqday mid aan waxba ka qabsoomin xiisadan oo hada soo ifbaxday ayaa waxay ku soo aaday xili u dalka sudan galay qalalaaso siyaasadeed militariga Sudan laka safanyahay dhinacyada siyaasada isku haya.

Isku soo wada duubo dhulkan oo ahaa dhul u muran ka tagna lahanshihiisa una dhaxeeyay labada dal ayaa waxaa qabsada ciidanka itoobiya iyo maleshiyaan ka soo jeeda qomiyada Gambella oo u hada gacanta ugu jira.

Xuduuda labada dal ayaa laga dareemayaa diyaar garow mulatari oo xoogan ayado laga cabsi qabo inu isu badalo gacanka hadal labada dhinacba oo ku doodaya lahaanshaha dhulka.

Wariye Shaafi Duulane, Halgan Media Jigjiga