Wararka kasoo baxaya magalaada Basra ee Koonfurta dalka Ciraaq ayaa sheegaya in Duqeyn lala beegsaday xaafad ay degan yihin Shirkadaha Caalamiga ah ee Batroolka soo saara.

Xaafada la duqeeyey saaka oo Arbaca ah oo lagu magacaabo Burjesia oo ku taal galbeedka magaalada Basra ayaa la sheegay inay degen yihiin shaqaalaha Ajaanibta ah ee shirkadaha waaweyn ee ExxonMobil oo laga leeyahay Maraykanka, shirkadaha Shell iyo Eni SpA oo laga leeyahay Talyaaniga.

Duqeyntan ayaa la sheegay inaysan ka dhalan khasaaro badan balse ay ku dhaawacmeen labo qof oo ah muwaadiniin reer Ciraaq, goobtaasi ayaa la sheegay in si deg deg ah looga daadgureeyey qaar kamid ah shaqaalihii ajaanibta ahaa ee degenaa.

Dowlada Ciraaq ayaa kamid ah dalalka Carabta ee diiday inay ka qeyb qaataan ololaha ka dhanka ah Iran oo ay wadaan dalalka Khaliijka, Shiicada ku dhaqan Ciraaq ayaa taageero ka hela Iran, waxaana dalka Ciraaq ku sugan maleeshiyaad ka amar qaata Iran.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay wax ka yar todobaad markii labo markab lagu weeraray Gacanka badda Cumaan.

Dowlada Iran ayaa sheegtay weeraradan lagu hayo xarumaha shidaalka inay qeyb ka tahay olole ay wadaan xulafada Maraykanka oo doonaya inay ku eedeeyaan Iran si ay duulaan militari ugu soo qaadaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.