Sida uu sheegay Mursal, sababaha Kalsooni kala Noqoshada Ra’iisuwasaare Kheyre waxaa kamid ah inuu ku fashilmay dalka inuu u diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, inuu ku guuldareystay dhameystirka nidaamka Federaalka, inuu ku fashilmay maqaamka Muqdisho, inuu dhameystiri waayay dastuurka, sidoo kalena qaadi waayay afti dadweyne iyo inuu dhameystiri siyaasadda ku dhisan xisbiyada badan.

Farmaajo iyo Kheyre faankoodii ahaa isma-khilaafayno, waxaana ka duwanahay Ra’iisul Wasaariyaashii iyo Madaxweynihii naga horeeyay waxuu soo afjarmay maanta, oo burburay midnimadoodii siyaasadda.

Su’aalaha kale ee dadku iswaydiinayaan waxaa kamid ah side 170 Xildhibaan ugu codeeyeen Mooshinka kasooni kala noqoshada, iyadoo la ogyahay in Gollaha Wasiiradda 70% ay ahaayeen Xildhibaanno taageersan Khayre ?

Inta badan Khayre ayaa mowjadaha uga soo furma Gollaha Shacabka isaga difaaci jiray Wasiiradiisa Xildhibaanada u badan, kuwaasoo fadhiyada xasaasiga ah is xaadirin jiray, si ay u diidaan mooshin kasta oo lidi ku ah Xukuumadda.

Qorshahan xilka qaasidta Khayre oo la rumeysan yahay inuu ka shaqeeyay Fahad Yaasiin xalay, ayaa muujinaysa in Wasiiradda qaar ay noqdeen seef labo afleh, oo dhinac kale hadda la saftay, iyadoo ay jirto balan-qaadyo loo sameeyay, hadii ay ahaan lahayn lacag ama xilal cusub.

Halgan Media ayaa horaantii bishan usoo qortay xogta la xiriirta in Kheyre xilka laga qaadayo, kadibna uu Farmaajo kula gor-gortami doono Mucaaradka, oo uu doonayo inay aqbalaan mudo korarsigiisa.

Farmaajo ayaa shirka 15-ka August ka dhici doono Dhuusamareeb miiska u saari doono Maamullada iyo Mucaaradka xilka Ra’iisul Wasaaraha, si ay go’aan uga gaaraan inay soo dhisaan xukuumad wadaag ah.