Wararka nagaa soo gaadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in magalaada Feer Feer oo ku taalla Xadka uu Gobolka Shabelle la wadaago dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo lagu xalinaayo dagaal beeleedyo ka dhacay Nawaaxiga tuulada Abaaley ee degmada Feer Feer.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulamo la leeyihiin Xubno uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo halkaasi ku sugan, si xal looga gaarao dagaal beeleedyada soo laab laabtay sanadihii la soo dhaafay.

Maalmo ka hor ayaa waxaa degmada feer Feer ka dhacay Wajiga koowaad ee wada-hadallada lagu xalinaayo dagaal beeleedyadaas, kaas oo ay ka qeyb galeyn masuuliyin kasoo jeedo labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle Ismaamulka Somali Galbe oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Maamulka Hirshabeele iyo Dowlad degaanka Somaalida Saraa kiisha ciidamada iyo Masuuliyiin ka kala socotay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa la sheegay inay ka qayb galeen kulaanka.

Halgan Media.