Wararka naga soo gaadhaya Ismaamulka Benshangul ayaa tibaaxaya in ay labo Maxbuus ka baxsadeen xabsi wayn oo kuyaala magaalada Asoosa ee Xaruunta degaankaasi.
Warku waxa u intaas ku daray in ay maxaabiistani jabiyeen habeen hore xabsigii ay ku xidhnaayeen, kadibna ay magaaladiiba iskaga baxeen.
Taliye Harun Abdulrahim ayaa sheegay in labada Maxaabiis ay ka baxsadeen xabsiga, wuxuuna sii sheegay in Maxaabiistaas horay loogu xukumay shan sano oo burcadnimo ah.
Warku waxa u intaas ku daray in magaaladaas ay ciidamada ismamuulka Benshangul ay bando ku soo rogeen si ay u soo qabtaan maxaabiistaas baxsatay.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.