Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar xoogan ku dilay 4 dagaal yahan oo ka tirsan maleeshiyada PKK ee ku sugan dalka Ciraaq.

Wakaalada wararka Anadolu ayaa tabisay in milatariga Turkiga uu beegsaday saldhig dagaal yahanadaan ay ku leeyihiin gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq.

Sarkaal ka tirsan wasaarada Difaaca Turkiga ayaa u sheegay Wakalada Anadolus in howlgalka uu socday afar maalin lagana yaabo in uu kordho qasaaraha soo gaaray Maleeyshiyaadka PKK. Sidoo kale Turkiga ayaa Burburiyay Bakhaaro hub lagu keydiyo oo ku yaal gobolada Avasin-Basyan iyo Metina ee waqooyiga Ciraaq.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.