Itoobiya ayaa dhammeystiri doonta dhismaha biyo-xireenka wabiga Niil, xallin doonta muranka dhinaca xadka ee ay la leedahay Suudaan, waxayna yareyn doontaa saameynta masiibada COVID-19, ayuu yidhi Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed Isniintii.

Hadalka Abiy ayaa yimid xili uu ka jawaabayey su’aalo ay waydiinayeen baarlamaanku.

Wadahadaladii ay Washington waday ee u dhexeeyey Itoobiya, Suudaan iyo Masar ee ku saabsan buuxinta dhaam biyoodka nile oo ay ku baxayso $ 5 bilyan, oo noqonaya kan ugu weyn Afrika, oo qiyaastii 73% la dhammaystiray ayaa burburay ka dib markii Itoobiya ka baxday wadahadalladii.

Masar ayaa codsaneysay in Itobiya aysan bilaabin buuxinta biyo-xireenka iyada oo aan heshiis laga gaadhin.

Abiy, oo xukunka yimid 2018, ayaa sheegay in maamulkiisu wax badan ka qabtay dhamka. Isagoo sheegay in ku dhawaad ​​labadii sano ee la soo dhaafay, wax badan laga qabtay dib u dhacii ku yimid dhamaystirka mashruuca daamka.

“Waxaan si fiican u xallinay dhibaatooyinkii nagahaystay aaladaha korontada ku shaqeeya dhismaha rayidka, iyo hawlo kale oo la xiriira,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in qiimaynta iyo xakamaynta mashruuca sidoo kale laga dhigay kuwo la isku halleyn karo oo heer sare ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhismahu u socday sidii loo qorsheeyay, isla markaana uu joogo wakhtigii la buuxin lahaa.

“Annaga ahaan, Dhaamku wuxuu nooyahay horumar iyo aqoonsi qaran oo aan dhaawici doonin Masar iyo Suudaan,” ayuu yidhi. “Ma jiro qof naga horjoogsan kara dhammaystirka biyo-xidheenka.”

Abiy ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wadahadaladau ay gaadheen wajigii ugu dambeeyay, mana uusan bixinin faahfaahin intaa dheer.

Khilaaf xuduudeedka Suudaan iyo Itoobiya

Ninkan haysta bilada Nobelka ee Abiy wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka go’antahay xallinta muranka xudduudaha ee dhowaan ka dhex qarxay xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan ee dhinaca waqooyiga.

“Suudaaniyiintu waa walaalahayo, waxayna hayaan su’aalo sharci ah oo aan ku heshiinay inaan xallinno,”ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey in kuwa isku dayaya inay dabka ku sii shidaan xiisadan aanay ku guuleysan doonin.

“Ma jiraan wax nagu kalifi doona dagaalka anaga oo ilaalinayna dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan xoojinayna xiriirka,” ayuu raaciyay Abiy.