Xildhibaano tiradooda rasmiga ah aan laheyn ayaa sabtidii codka kalsoonida si ama filaan ah waxa ay ugala noqdeen Xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ka dhashay talaabada Baarlamaanka qaaday shaki badan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in si deg deg ah kusoo abaabushay mooshinka iyo kalsooni kala noqoshada Xukuumada, waxaana soo baxaya in lacag badan lagu bixiyay ridista Xukuumada.
Sida aan wararka ku helnay ilaa 170-Xildhibaan oo lasoo qoray habeenkii sabtida sii galeysay ayaa loo qeybiyay lacag u dhaxeysa 20-kun ilaa 10-kun oo Dollar, Xildhibaanadaasi ayaana laga saxiixay mooshinkan kahor inta uusan kulanka furmin.
Xildhibaaada la sheegay in raaliga ka ahaayeen ridista xukuumada Kheyre ayaa isugu jiray kuwa daacad u ahaa Madaxtooyada, kuwa loo balan qaaday in Wasiiro laga dhigayo iyo kuwa lacago badan ku qaatay.
Madaxweyne Farmaajo oo gadaal ka riixayay mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa si deg deg ah ku aqbalay ridista Xukuumada kheyre, waxa uuna durba R/Wasaare KMG ah kasii dhigay Mahdi Guuleed.
Halgan Media.