Dagaalyahanadda Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Buula Buurde oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamadda Shisheeyaha ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay ugu horayn weerar ku qaadeen talisyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.

Ilo degaanka ah ku sugan Buula Burde oo la hadlay Halgan Media waxay sheegeen in dhawaqa hubka culus laga maqlay gudaha Magaaladda.

Sida aan xogta ku helnay Al Shabab ayaa degaalkooda ka soo qaaday dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde, isla markaana Ciidamada dowlada wax khasaaro ah hal  Askari oo dagaalka ku geeriyootay.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda buula-burde waxa ay sheegeen in la iska difaacay dagaalka Shabaab, islamarkaana xaaladda ay haatan tahay mid dagan.

Majirto cid katirsan saraakiisha dowladda iyo AMISOM oo ka hadashay dagaalkaasi waxaase dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa mid aad u qaraar oo aysan labada dhinac waxba isula harin.

Halgan Media.