Sida ay sheegen idacaada DW ee laanta Axmaraada,  Askari ka tirsan ciidamada Ismaamulka Tigreega  ayaa qof Rayid ah ku dilay magalaada Maqaale ee Xaruunta degaankasi, kadib markii ay murmeen.

Dilkan ayaa ka dhacay xafaada 5aad oo ka tirsan degmada Semen oo hoos yimaado magalaada Maqaale sida ay wararka u dhigeen idacaada DW ee laanta Axmaraada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka magalaada Maqaale oo ku aadan falkaasi.

Dilalka ay geysanayaan Askarta ciidamada gaarka ay leyihiin Ismaamulka Tigreega ayaa sii kordhay muddooyinkii danbe, iyadoo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay mamuulka ka qaaday askartaasi.

Warkan iyo wixi ka soo kordha kala soco Halgan Media.