Waxaa maanta ka socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose banaanbaxyo  balaaran oo looga soo horjeedo dowalda Fedaraalka. Banaanbaxyadaasayaa waxa  ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo.

Kumanaan  shacab ah  oo iyagu isa soo abaabulay ayaa isku soo baxay Wadooyinka waweyn ee  Magaalada Kismaayo  iyaga oo ku dhawaaqaya  halku dhigyo sheegay in  ka soo horjeedaan diidsanyihiina  go’aankii ay qaadatay Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay waxba kama jiraan ugu tilmaantay Doorashiidii uu dhawaan ku soo baxay Axmed Madoobe. Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka socda sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan Kismaanyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.