Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo Qaramada Midoobay leedahay dhacdadaas oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis.

Midkoodna ma xirnayn dharka lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhuusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.