Madaxweynaha Mustafe Cagjar ayaa ugu baaqay dhinacyada dhawaan ku dagaallamay Koofurta Gobolka Sool in ay isugu tagaan Magaalada Jigjiga ee xaruunta gobolka Fafaan ee dalka Ogadenia.

Dagaalkii degaanka Dhumay ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 50 Qof oo labad dhinac ah,waxaana markii dambe isku dayay in ay joojiyaan Odayaal ka kala socda mamuulada Puntland iyo Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya iyo mamuulka Jigjiga oo hoggamiyo Mustafa Cagjar.

Mustafe Cagjar ayaa Odayaasha Labada dhinaca Gogol nabadeed u dhigay Magaalada Jigjiga ee xaruunta gobolka Fafaan.

Wahadalka labada dhinaca ayaa lagu wadaa in uu billowdo 22ka Bishan November si halkaas loogu soo afjaro colaaddii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacday Degaanka Dhumay ee Koofurta Gobolka Sool.

Guddiga dhex dhexaadinta beelahaas ayaa sheegay in labada dhinac ay aqbaleen ka qeybgalka gogosha Jigjiga,maaddaa heshiisyadii horay loogu kala saxiixday gudaha Gobolka Sool lagu fashilmay oo aysan dhaqan gelin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.