Wargeyska New Vision  ayaa sheegay in Ciidamada Shisheeyaha kasoo jeedo dalka Uganda oo dulaan ku joogo Jamhuuriyada Soomaaliya ay ka maqan tahay lacag dhan 14.2 Milyan oo dollerka Mareykanka ah.

Wargeyska ayaa shaaciyey in illaa todobo bil aysan wax mushaar ah qaadan Ciidamada Shisheeyaha kasoo ka tirsan Milatariga Uganda.

Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 2,450 askari ayaa ka mid ah ciidankii Uganda oo xog ku joogay Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, kadib dalka ka baxay.

Lacagta ciidamadani oo Reer Galbeedka u mariso Midowga Afrika ayaa loo gudbiyey dowladda Uganda oo la sheegay inay ku shubtay bangiga dhexe ee dalkaasi.

Rechard Karemire, afhayeenka ciidanka Uganda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyey in mushaarkaasi maqan yahay, balse ma sheegin sababta. Sidoo kale afhayeenka ayaa ugu baaqay ciidamada inay is dajiyaan, islamarkaana ay dul qaad muujiyaan.

Uganda ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamadooda xog ku joogaan Soomaaliya. Ugu yaraan 50,000 ciidamo shisheeye kasoo jeedo dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi, Mareykanka, Ingriiska ayaa dulaan ku joogo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.