Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in maanta kolonyo ka tirsan ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM qarax lagula eegtay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa nuuaca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen halka loo yaqaano Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada Shisheeyaha, balse ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media uu sheegay in mid ka mid gawaaridooda uu haleelay qaraxaasi.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowlada xilliyada ay isaga kala gooshayaan caasimada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.

W/Q : Maxamed Abdulkaadir

Agaasimaha guud ee Halgan Media.