Dowladda Ciraaq ayaa ka hor timid in Israel ay qayb ka noqoto isbahaysiga ciidamada badda ee uu Mareykanku doonayo in uu ka hirgaliyo marinka Hormuz.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ciraaq Mohammed Ali al-Hakim ayaa sheegay in dowladda ciraaq ay diidan tahay in xoog loo adeegsado dajinta xiisada marinka Hormuz taas oo u dhaxayso dowladdaha Mareykanka iyo Iran.

Xiisada gacanka ayaa sara u kacday bilihii lasoo dhaafay kadib ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iran ay soo rideen diyaarad daroon ah oo ay lahayd dowladda Mareykanka.

Washington iyo xulafadeeda carabta ayaa Iran ku eedeeyay weeraro lagu qaaday maraakiib ku socdaalayay marinka Hormuz balse Tehran ayaa iska diiday eedeemahas.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.