Golaha militariga ee ku-meelgaarka ah ee Sudan iyo Xoogaga Xorriyadda iyo Isbadalka ayaa ugu dambeyntii ku saxiixay dukumenti dastuuri ah magaalada Caasimada ah ee Khartoum iyo ku dhowaaqista Iclaan siyaasi ah waqtiga kala guurka, taasoo wadada u xaareysa in loogu gudbo dowlad rayid ah.
Munaasabadda saxiixa ayaa goob joog ka ahaa Madaxda dowladaha gobolka iyo kuwa caalamiga iyo wakiilo ka socda ururada caalamiga ah.
Dadka reer Sudan ayaa filayey saxiixa heshiiskan oo ujeedadiisu tahay inay u guuraan xukun rayid ah, iyaga oo rajeynaya in dalkooda u soo jiidi doonto xorriyad iyo barwaaqo dhaqaale.
Ciidamada amniga ayaa si aad ah loogu daadiyey wadooyinka magaalada Khartuum, iyagoo xayiray wadooyinka qaar, gaar ahaan wadooyinka taga xarunta madaxtooyada iyo xarunta ciidamada Sudan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.