Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu manta ka dhacay qeybo ka mid ah magalaada London ee caasimada dalka Ingriiska.

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay hoggaanka sare ee Dowlada Federalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay Dibadbaxaasi ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha uu dhibaato ku hayo shacabka Axmaraada. Sidoo kale waxaay intaasi ku dareen in Raysal Wasaaraha cid gaar ah uu ugu adeegayo danaha maamulkaasi. Dibadbaxayaasha ayaa Ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ag Raysal Wasaare Abiy Ahmed.

Banaanbaxyo ballaaran ayaa indhawaanahan ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Axmaraada ee dalka Itoobiya kadib markii Dowlada Abiy Ahmed ay bilabeen in ay xiraan mucaraadka iyo waxgaraadka kasoo jeedo Qomiyada Axmaraada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.