Midowga Yurub ayaa lacag ka badan 100 Milyan oo Euro ugu deeqay wadamo kuyaala Geeska Afrika oo dhibaato xoogan xiligan kala kulmaya cudurka safmarka ah ee Caronavirus iyo fatahaada ka dhashay roobabka.

Lacagtan ayuu Midowga Yurub ugu tala galay in looga hortago faafitaanka cudurka caronavirus, waxa uuna ururka sheegay in sanduuqooda laga soo saarayo lacag gaareysa €105.5 million oo Euro si loogu qeybiyo wadamada geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa lacagtan waxaa kasoo gaareysa 48 million oo Euro , waxaana lacagtan Soomaaliya iyo wadamada kale ee loogu deeqay loo marsiin doonaa Hay’ado kala duwan si ay wax uga qabtaan faafitaanka caronavirus iyo arimo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.