Dadka xoolo dhaqaatada iyo Beeraleyda ku dhaqan gobolka Doolo ayaa la tacaalaya sidii ay uga hortagi lahaayeen Ayax duulaan ku ah tacabka Beeraha kuwaa oo marka ay ku dagaan ka idleysanaya wixii dalag ah ee ku yaala.

Dadka ayaa si ay isaga difaacaan Ayaxa u adeegsanaya wax kasta oo ay awoodaan gaar ahaan rasaas culus oo marka uu Beeraha ku soo dhawaadaba lagu ridayo si loogu argagax galiyo.

Maalmihii ugu danbeeyay deegaanno badan oo ka ka tirsan  Ogadenia waxaa weerar ba’an ku hayay cayayaanka Ayaxa waxaana dadka ay ula dagaalamayaan siyaabo kala duwan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.