Wararka nagaa soo garaaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Laamaha Amniga ee mamuulka Puntland ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo, oo kaashanaya Taliska Ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta hawgal qorshaysan ku dilay Madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in Laamaha Amniga Puntland, oo kaashana Ciidanka DANAB ay hawlgal qorshaysan ku dileen, Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, inkastoo aysan shaacin magaca Sarkaalkaasi.

Qoraalka PSF, ayaa lagu sheegay in Horjoogaha la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug, haatanna uu qorshaynayay in uu qaraxyo kale ka fuliyo gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Laamaha Amniga, ayaa sidoo kale u mahadceliyay Shacabka, oo sida ay sheegeen Macluumaad ka siiyay, Daba-galka Sarkaalkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug.

Halgan Media.