Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa dalka Jabuuti iyo Gumaysiga Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan boobka Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Ogadeniya, iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Ogadeniya ee keena Jabuuti, ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion. Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta Gumaysiga Itoobiya.

Sidoo kale waxaa nasib darro ah inuu Abiy Ahmed kusocdo wadaada Dhigya Cabka Meles Zenawi oo kusabsaan in la boobo Shidaalka ay leyihiin shacabka Somalida ku hoos nool Gumaysiga. Ariintan wuxuu ku cadaayna inuu Abiy Ahmed waxba dhamiin dhigya cabka Meles Zenawi lakiin waa balaan inuu Abiy Ahmed fashilmi doono siidi Meles Zenawi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.