War deg deg ah oo hadda Halgan Media soo gaadhay ayaa sheegay in ay ciidamada Itoobiya la wareegeen gacan kuhaynta Ismamuulka Oromada.
Shir albaabadu u xidhanyahay ooy xalay yeesheen saraakiisha sare ee xukuumada Abiy Ahmed iyo sir doonka Itoobiya ayaa si qoto dheer leh looga wada hadlay kacdoonka ay shacabka Oromidu wadaan.
Warku waxa u intaas ku daray in shirkan la isku af garan waayay kadibna loo sheegay maamulkii hore ee ismamuulka Oromada oo awalba maqaar saar ahaa kaasoo uu hogaaminayay Shimilis Abdisa in lagu soo rogay xukun Militari oo deg deg ah waxaana xubnihii maamulka gobolka Oromada looga wada yeedhay magaalada Addis ababa.
Gobolka Oromada ayaa waxaa loo qaybiyay 8 aag ooy kala hogaamin doonaan 8 jeneral oo laga soo magacaabay wasaarada gaashaandiga ee Gumaysiga Itoobiya. Warku waxa kaloo uu intaas ku daray in ay guud ahaanba Itoobiya gaar ahaa gobolka Oromadu ay ku fashilmeen xakamaynta kacdoonka shacabka Oromoya oo hadda socda mudo 3 asbuc.
Dadka arrimaha Itoobiya u dhuun duleela ayaa walaac wayn ka muujiyay talaabadan ay Itoobiya qaaday, waxayna ku tilmaameen in ay talaabadani xaalada oo markii horeba murgsanayd ay kasii dari doonto ooysan xal noqon doonin.
Halgan Media.