Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo.

Laga billaabo toddobaadkii la soo dhaafay waxaa seddexda dal u socday wadaxaajood dhanka muuqaal aragga oo u dhaxeeyey guddiyada farsamada.

Iyada oo ay dalalku sheegeen wadahadallada meel fiican iney marayaan oo wax badan ay isku afgarteen haddana Masar ayaa sheegtay in arrimihi muhiimka ahaa aan lagu heshiinin cabashadeedana u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto.