Wararka naga soo gaaraya magalaada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Fafaan ayaa sheegaya in Madaxtooyada DDS ay Ciidamo dheeraad ah geysay Xarunta Baarlamaanka ee ismamuulka Somalida.

Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa inay wataan gaadiidka nooca dagaalka iyo kuwa lagu daadgureyo Maxaabiista,  waxaana ay difaacyo ka sameeysteen Aaga Xarunta Baarlamaanka iyo luuyada ku dhow Xaruntaas.

Ujeedada Ciidanka halkaas loo geeyay ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Cabsi la cabsi geliyo xildhabanaada ka qayb qaadanayo kalafadhiga barlamaanka madaam ay Xildhibanaada u badan yihiin kuwa mucaaradsan xukuumada Mustafa Cumar.

Siido kale waxaa la xaqijiey in 147 xildhibaan ay ka dhaqaaqeen kulaanka barlamaanka kadib markii ay ciidanka Liyuu Booliska oo kusugnaa goobta ay bilabeen inay qar kamid Xildhibanaada u hanjaban.

Warkan iyo wixi ka soo kordha kala soco Halgan Media.